Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

December 1, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Mbappé dartiis… Real Madrid oo qorsheyneysa inay lasoo saxiixato laacibkan – Gool FM




(Madrid) 15 Ok 2021. Wargeyska The Sun ee dalka England ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Real Madrid uu kalsooni ku qabo inay sameyn doonto saxiixyada xiddigaha Paul Pogba iyo Kylian Mbappé.

Kylian Mbappé ayaa loo arkaa mid ka mid ah bartilmaameedyada ugu muhiimsan kooxda Real Madrid ee suuqa xagaaga soo aadan, maadaama maamulka uu qorshaynayay heshiiskan dhowr sano.

Paul Pogba ayaa ka mid ah magacyada lala xiriirinayay kooxda Real Madrid in ka badan hal mar si uu u xirto maaliyadda cadaanka ah, waxayna u muuqataa in xagaaga soo socda ugu dambayn ay u dhaqaaqi doonto Los Blancos saxiixa khadka dhexe ee Man United.

Manchester United star Paul Pogba defends Kylian Mbappe after France exit -  Manchester Evening News

Wargeysku wuxuu tilmaamay in Kylian Mbappe la filayo inuu bilaash uga tago Paris Saint-Germain xagaaga soo socda kaddib marka uu dhammaado qandaraaska uu kula joogo kooxda, maadaama ay u muuqato inuu diidan yahay saxiixida qandaraas cusub, sidoo kale Paul Pogba oo qandaraaskiisa wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka.

Wargeyska wuxuu tilmaamay in Real Madrid ay dooneyso inay marka hore la soo saxiixato Paul Pogba, si ay ugu qanciso Kylian Mbappe inuu yimaado garoonka Santiago Bernabéu xilli ciyaareedka soo socda.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .