Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

November 28, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

“Ma oggolaan lahayn in Messi uu baxo” – Josep Maria Bartomeu – Gool FM




(Barcelona) 15 Ok 2021. Madaxweynihii hore Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa aaminsan in go’aankii uu kaga tagay Lionel Messi kooxda uu ahaa mid xun, wuxuuna muujiyay haddii uu ku jiri lahaa booska madaxweynenimo, inuusan oggolaan lahayn bixitaankiisa.

Josep Maria Bartomeu wuxuu sheegay, intii lagu guda jiray wareysigii uu siiyay wargeyska “Sport” ee dalka Spain waxa uu sheegay:

“Ronald Koeman wuxuu lumiyay Messi, madaxweyne ahaanna, uma oggolaan lahayn inuu baxo oo waxaan sameyn lahaa wax walba oo suuragal ah si uusan u bixin.”

“Waxaan u malaynayaa inay u fiicnayd Barcelona iyo Messi inay sii wada joogaan xagaagan, way iska fasaxeen taasna waxay iila muuqataa go’aan xun aniga ahaan.”

“Ciyaarista la’aanta Messi waxay la micno tahay inay jiraan waxyaabo badan oo isbedelaya.”

Si kastaba ha ahaatee, Halyeeyga Barcelona ee Lionel Messi ayaa kooxda ka tagay suuqii xagaagii kaddib markii uu dhacay qandaraaskiisa, wuxuuna ku biiray naadiga reer France ee Paris Saint-Germain.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .