Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

November 28, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

“Kylian Mbappé wuxuu doonayaa kaliya inuu matalo Real Madrid” – Wargeys Spain ah – Gool FM




(Madrid) 15 Ok 2021. Kylian Mbappe ayaa maalinba maalinta ka dambeysa soo dhowaanaya joojinta heshiiska uu haatan kula jiro Paris Saint-Germain, iyadoo labada dhinac aysan heshiis ka gaarin kordhinta qandaraaska, waxaa suurtagal ah inuu ka dhaqaaqo si uu u fuliyo riyadiisa Real Madrid.

Real Madrid ayaa dadaal badan u gashay sidii ay ku heli lahayd adeega ku guuleystaha koobka adduunka, laakiin maamuulka kooxda Paris Saint-Germain ayaa wali ku adkeysanaya inaysan fasaxin.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska “AS” ee dalka Spain Mbappe wuxuu doonayaa kaliya inuu matalo Real Madrid, wuxuuna wargeysku carrabka ku adkeeyay in xiddiga reer France uusan beddeli doonin maskaxdiisa haddii loo soo bandhigo dunida oo dhan, sida uu wargeysku sheegay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Mbappe uu doonayo inuu guulo ku gaaro Real Madrid, isla markaana ay tahay inuu sugo kaliya ilaa 30 -ka June, oo ah taariikhda uu dhammaanayo qandaraaskiisa hadda, si uu kaga dhabeeyo riyadiisa.

Dhankiisa Wargayska Le Parisien ee dalka France ayaa sheegay in maamulka Paris uu doonayo inuu kordhiyo heshiiska uu kula jiro Kylian Mbappe isagoo mushaarkiisa kor u qaadaya in ka badan 50 milyan oo euro xilli ciyaareedkii, taasoo uu kaga sara marayo saaxiibadiisa Lionel Messi iyo Neymar Jr.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .