Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

December 1, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Arteta oo u jawaabay Henry wuxuuna fariin u diray taageerayaasha Arsenal kahor kulanka Crystal Palace – Gool FM


(London) 15 Ok 2021. Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in kooxda ay awood u leedahay inay sameyso wax ka fiican sidii ay sameysay ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League, kaddib markii ay kaga biloowdeen qaab niyadjab ah.

Gunners ayaa haatan ku jirta kaalinta 11-aad, iyadoo leh 10 dhibcood, kaddib markii ay badisay 3 kulan iyo hal barbaro ah, waxayna natiijooyinka taxanaha ah ee wanaagsan ay yimaadeen, kaddib markii 3 guuldarro oo xiriir ah ay la kulmeen saddexdii kulan ugu horreysay Premier League.

Halyeeyga Gunners Terry Henry ayaa muujiyay walaaciisa ku aadan waddada ay kooxda mari doonto, isaga oo farta ku fiiqay su’aasha ah haddii arrimuhu ugu socon doonaan jihada saxda ah ee Arteta, sidoo kale Henry ayaana carrabka ku adkeeyay in kooxda ay dhibtootay ciyaartii ugu dambeysay ee horyaalka Premier League ay la ciyaareen Brighton.

Haddaba shabakada “Sky Sports” ayaa soo xigatay wareysi uu bixiyay Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Hadalkii Henry? Adiga uun baan kaa maqlaa, taasi waa fikrad kale waana inaan ixtiraamnaa.”

Mikel Arteta ayaa fariin gaar ah u diray taageerayaasha Gunners kahor kulanka Crystal Palace, kaasoo lagu qaban doono Emirates Stadium Isniinta soo aadan, xilli kooxda ay wajahayaan uu tababare u yahay halyeeyga Gunners ee Patrick Vieira.

Macalinka reer Spain ee Mikel Arteta oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri:

“Patrick Vieira waa halyeeyga Arsenal, waxaan rajeynayaa inuu helo soo dhaweynta uu u qalmo, marka loo fiiriyo wixii uu sameeyay ciyaaryahan ahaan iyo shaqsi ahaanba.”

Gool FM.





Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .