Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

December 1, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Wargeyska MARCA oo labo sababood kusoo koobay ahmiyadda ay Real Madrid siineyso saxiixa Rudiger… (Miyuu yahay qorshahooda koowaad?) – Gool FM




(Madrid) 14 Ok 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay lambarka koowaad ee xiddigaha ay dooneyso inay difaaceeda ku xoojiso ka dhigtay xiddiga kooxda Chelsea ee Antonio Rudiger.

Madrid ayaa la tacaaleysa dhibaatooyin dhaawac oo dhanka difaaca ah, iyadoo haatan dooneysaa inay dookhyada Macallin Carlo Ancelotti kusoo biiriso Rudiger, waxaana uu wargeyska MARCA ku sababeeyay labo arrimood.

Tan koowaad oo ah dhaqaalaha kaga baxaya saxiixa difaaca reer Germany maadaama uu qandaraaskiisa dhici doono dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxay ku heli kartaa qiimo jaban suuqa Janaayo ee bartamaha xilli ciyaareedkan ama waxay ku heli kartaa bilaash marka la gaaro xagaaga 2022.

Sababta labaad ee uu wargeyska Spain kasoo baxa ku sababeeyay ujeeddooyinka ay Los Blancos diiradda u saareyso saxiixa xiddigii hore ee AS Roma ayaa ah inuu yahay 28-sano jir isla markaana leh khibrad ku filan iyadoo ay xusid mudan tahay inuu ku jiro waayihiisii ugu wacnaa xirfaddiisa kubadda cagta.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .