Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 16, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Sawirro:-Barakac xoog leh oo ka socda Guriceel iyo cabsi laga qabo dagaal. – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Guriceel-KNN-Degmada Guriceel waxaa ka jirto xaalad Cabsi ah taas oo ay soo food saartay dadka ku nool xaafadaha degmadaasi ay ka kooban tahay, iyagoo sameenaya barakac xoog leh.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna ay difaacyo ka sameysteen gudaha iyo daafaha Guriceel islamarkaana ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Shacabka qaar ee ka barakacay xaafadaha kala ah Wadajir, Daryeel, Tawakal iyo kuwa kale ayaa gaaray maanta degaanka Ceelbaraf oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

In ka badan 50 qoys ayaa ka barakacay Guriceel, kuwaas oo cabsi Xoog leh ka qaba in dushooda ay ku wada dagaalamaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug oo isku dhinac ah iyo Ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna oo Guriceel ku sugan kuwaas oo dhawaan qabsaday.

Warar ayaa sheegaya in  degmada Guricee gudaheeda laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ahlusunna si ay isaga difaacaan hadii weerar uu kaga yimaado dhanka Galmudug iyo Dowladda Ciidamo ka tirsan.

Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug iyo kan degmada Guriceel ayaa horey u sheegay iney ka go,an tahay gacanta ku heynta degmadaas oo hore gacantooda si nabad ah ugu baxay iyagoo sheegay iney duulaan ku yihiin.



Post Views:
5



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .