Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

December 1, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Phil Foden oo aqbalay heshiis cusub oo sanado badan kaasoo uu kaga mid noqonayo xiddigaha ugu mushaharka baddan Man City – Gool FM




(Manchester) 14 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la filayaa inay maalmaha soo aaddan si rasmi ah ugu dhawaaqdo heshiis kordhinta xiddigeeda khadka dhexe ee Phil Foden kaasoo ay majaladda Goal ogaatay inuu aqbalay heshiis cusub oo uu lix sano kale kula sii joogayo kooxdiisa.

Qandaraaska cusub ee uu Foden saxiixi doono isla markaana ku eg illaa 2027 ayuu ku noqon doonaa mid ka mid ah xiddigaha mushaharaadka ugu badan ka qaata garoonka Etihad.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiska haatan uu 21-sano jirka reer England kula jiro Citizens ayaa waxaa ka harsan saddex sano oo hor leh, waxaana la filayaa inuu heshiiska cusub saxiixo marka uu kasoo laabto waajibaadka xulka qaranka Saddexda Libaax oo uu matay labadii kulan ee is-reeb-reebka Koobka Adduunka.

Tababare Pep Guardiola ayaa si aad ah u taageersan qaab ciyaareedka Foden isagoo ku tilmaamay xiddigii ugu hibada sarreeyay ee uu soo saaray kaddib markii uu laacibkan kasoo saaray akadeemiyadda Man City sanadkii 2017.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .