Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

December 1, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Gary Neville oo dab ku sii shiday wararka ku saabsan mustaqbalka tababare Solskjær ee kooxda Man United – Gool FM




(Manchester) 14 Ok 2021. Xiddigii hore kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa ku adkeystay in tababare Solskjær ay tahay inuu hagaajiyo wax qabadka kooxda, iyo in tababaraha reer Norway looga baahan yahay inuu koob kula guuleysto Cristiano Ronaldo kooxdiisa hadda.

Tababaraha reer Norway kuma guuleysan koobab tan iyo markii uu qabtay Red Devils sanadkii 2018, qaar badan ayaana dareensan in xilli ciyaareedkan ay noqon karto fursadiisii ​​ugu dambeysay, gaar ahaan ka dib markii uu kooxda ku xoojiyay qandaraasyo badan oo xoog badan.

Haddaba Gary Neville oo la hadlayay shabakada Sky Sports, ayaa wuxuu yiri:

“Haddii Ole Solskjaer uu ahaan lahaa tababaraha kaddib xilligii Sir Alex Ferguson, waa la ceyrin lahaa, laakiin waayo -aragnimada xun ee sanadihii la soo dhaafay iyo ceyrinta tababarayaal badan, kooxdu waxay dooneysaa inay sii ballaariso mashruuca Solskjaer muddo dheer.”

“Dhibaatada uu Solskjaer wajahayo ayaa ah imaatinka Ronaldo, mashruuciisa wuu guulaysan doonaa ama wuu fashilmi doonaa, waa inuu ku guuleystaa koob, taas oo ah qodob muhiim ah, Ronaldo uma imaan inuu ku guuleysto kaalinta saddexaad ama afaraad.”

“Qodobka labaad ayaa ah waxqabad, sababtoo ah heerka uu ilaa hadda soo bandhigay ayaa u muuqda mid daciif ah haddii aad is bar-bar dhigto heerka Manchester City, Liverpool iyo Chelsea oo aan u malaynayo in ay u tartami doonaan horyaalka.”

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .