Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 16, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka billowday duleedka Guriceel – Maxaa soo kordhay?


Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay, illaa saaka dhaq-dhaqaaqyo culus oo iska soo horjeedo ay ka bilowdeen deegaano hoostaga magaalada Guriceel oo ay dhowaan qabsatay Ahlu Sunna Waljamaaca.

Galmudug ayaa xoojisay abaabulka dagaal ee ka socda gobolka Galgaduud, isla-markaana lagu wajahayo Ahlu Sunna, si dib looga saaro magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in saaka ciidamadii ugu badnaa oo wata gaadiidkooda dagaalka ay ka baxeen magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo gaaray deegaanka Ceeldheere, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo ciidan, iyaga oo ku biiray ciidamo horey ugu sugnaa halkaasi.

Ciidamadan ayaa qayb ka ah gulufka dagaal ee ay Galmudug ku wajahayso Ahlu Sunna oo dib ugu soo rogaal celisay deegaanada maamulkaasi.

Dhinaca kale ciidamada Ahlu Sunna ayaa dhankooda dhaq-dhaqaaqyo ka wada magaalada Guriceel, waxaana heegan la geliyey askarta ku sugan gudaha magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa dhanka kale lagu soo warramayaa inay bilaabeen barakac xoogan, waxaana soo wajahday cabsi ka dhalatay dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan labada dhinac.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyada haatan u socda ee u dhexeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana markasta laga cabsi qabaa in dagaal uu qarxo, maadaama labada ciidan y xoojiyeen abaabuulkooda dagaal.





Caasimadda News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .