Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

December 1, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Barakac aad u xoogan oo ka socda Guriceel






Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi saacadahii ugu dambeeyay uu ka jiray barakac aad u xoogan oo ay sameynayaan dadka ku dhaqnaa xaafadaha magaaladaasi.

Barakaca dadka deganaa Guriceel ayaa yimid kadib markii ay soo wajahday cabsi xoogan oo ay ka qabaan in magaalada uu ka dhaco dagaal u dhaxeeya ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Galmudug oo kaashanaya ciidanka dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ku sugan Guriceel ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qoysaskii ugu badnaa ay ka barakaceen degmada saacadahii ugu dambeyay, kadib markii ay ka war heleen dhaqdhaqaaqyo dagaal oo laga dareemayo Guriceel iyo nawaaxigeeda.

Ciidamada Ahlu Sunna ee ku sugna deegaanka Ceeldheer oo ah deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa la sheegay iney isaga baxeen deegaankaasi, lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iney ciidamada Ahlu suna isaga baxaan deegaankaas oo ay todobaad ka hor la wareegeen.

Ciidamada Ahlu suna ayaa muddo laga joogo laba todobaad waxay gacanta ku dhigeen degmada Guriceel oo ay horay ugu talinayeen maamulka Galmudug, waxaa haatan markale la dareemaya dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay wadaan ciidamada Galmudug oo ay ku doonayaan iney dib ula wareegaan Guriceel.






Wardoon news

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .