Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

December 1, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

PSG iyo Liverpool oo guulo gaaray, xilli Real Madrid ay guuldarro la kulantay & guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray Champions League… SAWIRRO


(Yurub) 28 Sebt 2021. Waxaa caawa la ciyaaray Kulammo ka tirsanaa heerka guruubyada tartanka UEFA Champions League, iyadoo kooxaha waa weyn qaarkood ay ciyaareen kulankooda labaad.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa garoonkeeda Parc des Princes guul muhiim ah kaga gaartay kooxda reer England ee Manchester City, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Paris Saint-Germain.

Daqiiqadii 8-aad kooxda kubadda cagta ee Paris Saint-Germain ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Idrissa Gueye.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 74-aad kooxda Paris Saint-Germain ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 2-0 ka dhigay Lionel Messi oo caawin ka helay saaxiibkiis Kylian Mbappé.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-0 ay kaga adkaatay Paris Saint-Germain, kooxda Manchester City oo marti ugu aheyd garoonka Parc des Princes, xilli ciyaartan ay qeyb ka ahayd kulammada heerka guruubyada tartanka UEFA Champions League.

Hadaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada labaad ee caawa lag ciyaaray marxaladda Guruubyada tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League,:-

Group A

Paris Saint-Germain 2-0 Manchester City.

RB Leipzig 1-2 Club Brugge.

Group B

AC Milan 1-2 Atletico Madrid.

FC Porto 1-5 Liverpool.

Group C

Ajax 2-0 Besiktas

Borussia Dortmund 1-0 Sporting CP.

Group D

Shakhtar Donetsk 0-0 Inter

Real Madrid 1-2 FC Sheriff

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.





Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .