Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 16, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Muxuu ka yiri Ronald Koeman kulankooda habeen dambe ee Champions League? – Gool FM




(Barcelona) 28 Sebt 2021. Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa diiday inuu ku tilmaamo kulanka ay la ciyaarayaan kooxda Benfica mid muhim ah, isagoo xusay in heerka guruubyada ee Champions League uu weli dheer yahay.

Barcelona ayaa habeen dambe ee Arbacada ku booqan doonta kooxda Benfica garoonka Estádio da Luz, si ay u wada ciyaaraa ciyaar qeyb ka ah kulammada wareega labaad ee heerka guruubyada ee Champions League, Barca ayaana u baahan inay gaarto guul, kaddib guuldaradii ka soo gaartay naadiga Bayern Munich.

Haddaba tababare Ronald Koeman oo ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulankooda habeen dambe ee Champions League ay kula ciyaari doonaan kooxda Benfica, wuxuu yiri:

“Lama dhihi karo waa kulan wax lagu go’aaminayo, macquul ma ahan, kani waa kulankii labaad ee lixda kulan heerka guruubyada, ma noqon karo mid wax lagu go’aamiyo.”

“Ma aqaano haddii Benfica ay tahay kooxda fiican, laakiin waxaan ognahay inay tahay koox xooggan, inay tahay koox muhiim ah, waana ogahay qiimaheeda.”

“Waa ciyaar qurux badan, waa kulan u baahan natiijo wanaagsan iyo in lagu raaxeyso, waxaa jira laba kooxood oo leh qaab u gaar ah oo u ciyaara si ay u guuleystaan, waxaan filan karnaa kulan xiiso leh.”

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .