Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

December 1, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Barcelona vs Granada… (Blaugrana oo caawa u baahan inay ka soo kabato guuldarradii ka soo gaartay Bayern Munich) – Gool FM


(Barcelona) 20 Sebt 2021. Kooxda kubbada cagta Barcelona ayaa doonaysa inay ka soo kabato guuldarradii saddexda gool ahayd oo ay kala kulmeen Bayern Munich tartanka champions League, marka ay kulan ka tirsan horyaalka La Liga garoonkooda caawa ku soo dhoweynayaan naadiga Granada.

Barcelona ayaa xilli ciyaareedkeedii ugu horreeyey iyadoo Lionel Messi la’aan ah tan iyo fasal ciyaareedkii 2003/04 ku furtay saddexdeeda kulan ee ugu horreeya labo guul iyo hal barbaro.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Camp Nou

Garsooraha: Jaime Latre (Spain)

Wararka Kooxaha:

Barcelona ayaa la dhibtoonaysa dhibaatooyin dhaawac, iyadoo labadeeda ciyaaryahan ee Jordi Alba iyo Pedri ay dhaawacyo soo gaareen kulankii Kooxda Bayern Munich ee tartanka Champions League.

Da’yarka Alejandro Balde ayaa sii wadi doona inuu ka ciyaaro dambeedka bidix, halka Sergi Roberto ay u badan tahay inuu khadka dhexe kala ciyaari doono Frenkie de Jong iyo Sergio Busquets.

Weeraryahanka Martin Braithwaite ayaa sidoo kale meesha laga saaray oo maqnaan doona muddo dheer sababtoo ah waxa uu u baahan yahay qalliin.

Taas ayaa la micno ah in Luuk de Jong uu ku soo bilaaban doono booska koowaad ee afka hore, iyadoo Memphis Depay iyo Philippe Coutinho ay yihiin labada dhinac.

Ansu Fati waxa uu ku dhow yahay inuu garoomada ku soo laabto, inkastoo ay u badan tahay inuusan halkan ka soo muuqan doonin.

Neyder Lozano ayaa ah xiddiga kaliya ee maqan kooxda martida ah kulanka caawa.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Kooxda Barcelona ayaa markii ugu dambeysay oo ay garaacdo Granada waxay ahayd markii 3-5 kaga adkaadeen kulan waqti dheeri ah lagu daray oo ahaa siddeed dhammaadka Copa del Rey kaasoo dhacay bishii Febraayo.

>- Kooxa Barcelona ayaan la garaacin 34 ka mid ah 38-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Naadiga Granada ayaa ku guuldarreysatay inay guulaysato sagaalkeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Gool FM.





Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .