Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 21, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Weeraryahanka Kooxda Liverpool ee Sadio Mane oo rikoor taariikhi ah ka sameeyey horyaalka Premier League – Gool FM




(Liverpool) 19 Sebt 2021. Sadio Mane ayaa u muuqda mid aad u jecel inuu wajaho Crystal Palace, iyadoo uu jecel yahay inuu gool ka dhaliyo mar waliba, waxaana uu xalay ka dhaliyey goolkiisii 100-aad ee Kooxda Liverpool.

Xiddiga xulka qaranka Senegal ayaa ka hor inta aan la aadin qeybtii nashada ee kulankii Premier League xalay waxa uu ciyaarta ka dhigay 1-0.

Kaliya ma’ahan inuu goolkiisii 100-aad ee kooxda Reds ka dhaliyey Palace, balse sidoo kale waxa uu ku sameeyey kooxda Koonfurta London ka dhisan rikoor aan horay looga sameynin horyaalka Premier League.

Sadio Mane ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee taariikhda Premier League oo sagaal kulan oo xiriir ah gool ka dhaliya hal koox waana Crystal Palace.

Haatan waxa uu Palace ka dhaliyey sagaal sagaalkiisii kulan ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League uu ku wajahay, waxaana goolasha xiriir ah ee horyaalka uu ka dhaliyey Mane laga soo bilaabo bishii Agoosto ee 2017-kii.

Marka laga soo tago inuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey taariikhda Premier League ee hal koox sagaal kulan oo xiriir ah gool dhaliya, Mane ayaa sidoo kale xalay u dhaliyey Liverpool goolkiisii 100-aad, waxaana ay ku qaadatay kaliya 224 kulan.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .