Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 16, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Real Madrid oo guul soo laabasho ah ka soo gaartay kooxda Valencia oo ay ku booqatay garoonka Mestalla… +SAWIRRO – Gool FM




(Valencia) 19 Sebt 2021. Real Madrid ayaa guul soo laabasho ah ka soo gaartay kooxda Valencia oo ay ku booqatay garoonka Mestalla, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2 , xilli ciyaartan ay ahayd tan ugu adag kulammada toddobaadkan ee horyaalka Spain.

Qeybta hore ee dheesha ayeey labada kooxood Valencia iyo Real Madrid ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 66-aad kooxda martida loo ahaa ee Valencia ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay laacibkooda Hugo Duro.

86 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Real Madrid ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Vinicius Junior oo ay caawin kaga timid Karim Benzema.

Alla maxay soo laabasho cajiib ah ahayd, daqiiqadii 89-aad Los Blancos ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-2 ka dhigay Karim Benzema oo ay caawin kaga timid da’ayarka reer Brazil ee Vinicius Jr.

Ugu dambeyntii kulankii adkaa ayaa wuxuu ku dhammaaday 1-2 ay kaga soo adkaatay Real Madrid kooxda Valencia oo ay ku booqatay garoonka Mestalla, xilli ciyaartan ay qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan horyaalka La Liga ee dalka Spain.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .