Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 16, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Kooxaha Juventus iyo AC Milan oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Allianz… +SAWIRRO – Gool FM




(Turin) 19 Sebt 2021. Kooxaha Juventus iyo AC Milan oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Allianz, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 1-1 ah kulankii la wada sugayay ee Derby della Madonnina

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta ee Juventus.

Daqiiqadii 4-aad ee bilowgii ciyaarta kooxda Juventus ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Alvaro Morata, kaddib markii ay caawin kaga timid Paulo Dybala.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

76 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda AC Milan ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Ante Rebic oo caawin ka helay saaxiibkiis Sandro Tonali.

Ugu dambeyntii kulankii Derby della Madonnina ee la wada sugayay ayaa wuxuu ku dhammaaday bar-bardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood ee Juventus iyo AC Milan xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Talyaaniga.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .