Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 21, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Juventus vs AC Milan… (Turin oo marti gelineysa mid ka mid ah ciyaaraha ugu xiisaha badan Serie A caawa xilli Bianconeri ay…) – Gool FM


(Turin) 19 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa soo dhoweyneysa naadiga AC Milan iyadoo labada naadi ay ku kala jiraan qaab ciyaareedyo kala heer ah isla markaasna is dhaaf ah marka lala barbar dhigo xilli ciyaareedyadii lasoo dhaafay.

Milan ayaa bandhig heer sare ah ku jirta xilli ciyaareedkan iyadoo wada adkaatay dhammaan saddexdii ciyaar ee ay dheeshay horyaalka halka Juve ay weli raadineyso guusheedii ugu horreysay horyaalka fasalkan iyadoo barbarro gashay kulankii koowaad sidoo kalena ay u raaceen labo guuldarro.

Balse toddobaadkii tagay daba-yaaqadiisii ayay labada naadi naatiijooyin ka duwan kuwa ay horyaalka ka heleen kasoo hoyeen tartanka Champions League kaddib guushii Bianconeri ay kasoo gaartay Malmo FF iyo guuldarradii Rossoneri kasoo gaartay Liverpool.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Italy – Serie A

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 09:45 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Allianz Stadium

Garsooraha: Daniele Doveri (Italy)

Wararka Kooxaha:

Juventus ayaa heleysa akhbaar wanaagsan iyadoo usoo laabanayo Federico Chiesa kaasoo kabsaday dhaawac bowdada ah, balse waxaa baddelkiisa dhaawac soo gaaray ku seegaya ciyaarta caawa xiddiga garabka ka ciyaara ee Federico Bernardeschi.

Dhinaca kale, Zlatan Ibrahimovic ayaa wali kasii maqnaana Milan kaddib dhaawac kasoo gaaray feysha waana walaaca ugu weyn ee heysta macallinka Milan ee Stefano Pioli.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

AC Milan ayaa heysata rikoorka ugu wanaagsan difaaca Serie A xilli ciyaareedkan iyadoo laga dhaliyay kaliya hal gool illaa iyo haatan.

Milan ayaa guuldarro la’aan ah 25 ka mid ah 27-kii ciyaar ee ugu dambeysay Serie A oo ay bannaanka kusoo ciyaartay.

Rossoneri ayaa shabaqeeda difaacatay toddobo ka mid ah siddeeddii kulan ee ugu dambeysay horyaalka.

Juventus ayaa laga dhaliyay labo gool ama wax ka badan saddexdii kulan ee ay dhammaan tartammada wajahday Milan.

The Old Lady ayaa kaliya hal kulan ka adkaatay Milan shantii is arag ee ugu dambeysay dhammaan tartammada.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Juventus:

Milan:

Gool FM.





Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .