Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

December 1, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

“Waxaa laga yaabaa in Cavani uusan ku faraxsaneyn ku laabashada Ronaldo ee Manchester United” – Berbatov – Gool FM




(Manchester) 17 Sebt 2021. Halyeeyga kooxda Manchester United ee Dimitar Berbatov ayaa sheegay in ku soo laabashada Cristiano Ronaldo ee Red Devils laga yaabo inaysan u ahayn dhacdo farxad leh xiddiga reer Uruguay ee Edinson Cavani.

Cavani ayaa iska dhiibay lambarka maaliyadiisa, oo uu xirnaa kahor inta uusan soo laaban Cristiano Ronaldo, kaasoo ah lambarka 7-aad, waxaana lagu wareejiyay CR7.

Wargeska “Metro” ee dalka England ayaa shaaciyay wareysi uu bixiyay Halyeeyga kooxda Manchester United ee Dimitar Berbatov, wuxuuna yiri:

“Laba kulan iyo saddex gool oo uu u dhaliyay Cristiano Ronaldo ka dib markii uu ku soo laabtay maaliyaddii gaduudka ahayd, lama yaabin saamaynta deg -dega ah ee uu ku yeeshay United, wuxuuna sameyn doonaa horumar inta lagu jiro xilli ciyaareedka.”

“Waxa ay noqon doontaa wax xiiso leh in la arko sida Solskjaer u farxad galiyo ciyaartoydiisa kale, waa in uu go’aansado sida uu u adeegsan doono xiddigaha kale sida Edinson Cavani iyo Anthony Martial.”

“Cavani malaha ma faraxsana, xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay wuxuu ku fiicnaa United.”

“Waxaan rajeynayaa Solskjaer inuu si daacad ah uu kala hadlay Cavani qorshihiisa kooxda.”

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .