Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 16, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Bayern Munich oo heshiiska u kordhisay mid ka mid ah xiddigihii la la xiriirinayey Kooxaha Real Madrid iyo Manchester United – Gool FM


(Munich) 16 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa heshiiska u kordhisay mid ak mid ah xiddigihii la la xiririinayey Naadiga reer England ee Manchester United.

Leon Goretzka ayaa Kooxdiisa Bayern Munich u saxiixay heshiis ku eg illaa sanadka 2026-ka, waxaana laacibkan khadka dhexe ee reer Jarmal la la xiriirinayey Manchester United suuqii xagaaga oo dhan.

Naadiga Bavarian ayaa xaqiijisay maanta oo Khamiis ah in Goretzka uu kordhiyey qandaraaska uu kooxda kula joogay, kaasoo ku ekaa bisha June ee sanadka soo aaddan, waxaana haatan uu ku kordhiyey qadnaraaskiisa afar sanadood oo kale.

26-sano jirkaan, kaasoo saddex horyaalka Bundesliga iyo tartanka Champions League kula guuleystay Munich ayaa sidoo kale la la xiriirinayey Kooxda Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain.

Man United ayaa suuqa ka baadi-goobaysay laacib khadka dhexe ka ciyaara suuqii xagaaga, wada-xaajoodka Goretzka ee heshiis kordhinta oo uu kula jiray Munich ayaana dib u dhigay xiisaha uga imaanayey kooxda ku ciyaarta garoonka Old Trafford.

Yeelkeede, tallaabadaasi ma noqon mid hirgasha oo hadda Goretzka wuxuu sii joogi doonaa Bayern mustaqbalka fog, isagoo kordhin doona kulammadiisa 118 kulan oo uu u saftay kooxda tan iyo markii uu kaga soo wareegay Naadiga Schalke sanadkii 2018.

Bayern Munich ayaa ku mashquulsanayd kordhinta qandaraasyada xiddigaheeda muhiimka ah sanadkii la soo dhaafay, iyadoo Thomas Muller, Manuel Neuer, Alphonso Davies, Jamal Musiala iyo Joshua Kimmich ay sidoo kale saxiixeen heshiisyo cusub, waxaana haatan ugu dambeeyay Goretzka.

Gool FM.





Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .