Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

September 19, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Paulo Dybala oo ka hadlay mustaqbalkiisa xilli uu balan qaaday in goor dhow uu… – Gool FM




(Turin) 15 Sebt 2021. Weeraryahanka kooxda Juventus ee Paulo Dybala ayaa ka hadlay arrimaha mustaqbalkiisa xilli shaki weyn la gelinayay sii joogistiisa Turin suuqii xagaaga ee xirmay xilli qandaraaska uu kula jiro Juve uu dhici doono dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, Dybala ayaa sheegay inuu haatan kooxdiisa kula jiro wada xaajood heshiis kordhin ah isla markaasna uu rajeynayo inuu baaqi kusii ahaado naadiga Bianconeri.

“Waxaan u maleynayaa inuu kulan cusub jiri doono asbuucan, agaasimeyaasha ayaa la baddelay, wax walba ayaa bilawga kasoo bilaabanaya” ayuu 27-sano jirkan u sheegay Sky Sport Italia.

“Waxaan rajeynayaa inuu yeesho dhammaad farxadeed, waxaana rajeynayaa inuu war wanaagsan goor dhow imaan doono” ayuu hadalkiisa kusii daray Dybala.

Laacibka reer Argentina ayaa gool-ku-laad dhaliyay ciyaartii ay kooxdiisa Juventus 3-0 kaga soo adkaatay naadiga Malmo FF oo ay dalka Sweden ku booqatay ciyaar ka tirsaneyd guruubka H ee tartanka Champions League.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .