Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

September 28, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Kooxda Barcelona oo liiska xiddigaha ay suuqa ka doonayso ku darsatay Shan daafac dhexe… (Waa kuwee?) – Gool FM




(Barcelona) 15 Sebt 2021. Daafaca Kooxda Manchester City ee Aymeric Laporte ayaa la soo warinayaa inuu yahay mid ka mid ah shan xiddig oo daafaca dhexe ka ciyaara kuwaasoo ay Barcelona suuqa ka doonayso.

Kooxda reer Catalan ayaa ku dartay daafaceeda Eric Garcia oo ay kala soo wareegeen Man City intii lagu jiray suuqii xagaaga, iyadoo da’yarka reer Spain isla markiiba lagu soo daray safka hore ee Barcelona.

Si kastaba ha noqotee, Fichajes.net ayaa shaaca ka qaaday in maamulka kooxd Barcelona ay suuqa ka baadi goobayaan beddelka daafacyadooda dhexe sida Oscar Mingueza, Clement Lenglet iyo Samuel Umtiti.

Iyadoo Man City ay u furan tahay inay kala tagaan Laporte ayaa haddana waxa ay u muuqataa inay Barcelona u dhaqaaqi karto daafacan dhexe sanadka 2022-ka.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in daafaca Lille ee Sven Botman, midka Kooxda Juventus ee  Matthijs de Ligt iyo daafaca cusub ee Tottenham Hotspur, Cristian Romero ay sidoo kale ku jiraan liiska daafacyada dhexe ee ay Kooxda Barcelona ay suuqa ka doonayso.

Daafaca dhexe ee Kooxda Southampton Mohammed Salisu, kaasoo horay uga soo ciyaaray horyaalka La Liga gaar ahaan Naadiga Real Valladolid ayaa ah daafac kale oo ay tixgelinayso Barca inay keento garoonka Camp Nou.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .