Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

September 28, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Agaasime cusub oo loo magacaabay Nabad Sugida Gobolka Banaadir


15 Sept 2021 (Puntlandes)  Agaasimaha KMG ee hay’adda NISA ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble dhowaan magacaabay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta Taliyaha Nabad-Sugidda ee gobolka Banaadir u magacaabay Gaashaanlle Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac).

Warqadda ayuu Bashiir ku yiri “Danta shaqada qaranka awgeed, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/09/2021, waxaan u magacaabay Sarkaalka G/lle: Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac) inuu noqdo Agaasimaha HNSQ ee Caasimadda.”

Waxa uu sidoo kale faray dhammaan agaasinada Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inuu ka guto mid walba waajibaadkiisa.

Xilka agaasimaha gobolka Banaadir ayaa waxaa horey u hayey Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, hase yeeshee dhowaan ayaa madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay inuu Yaasiin u magacaabay agaasimaha guud hay’adda NISA.

Hay’adda NISA ayaa hadda leh laba agaasime oo ay kala magacaabeen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Nadaxweyne Farmaajo, kuwaas oo kala ah: Bashiir Maxamed Jaamac iyo Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud.



Puntlandes News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .