Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

September 28, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Memphis Depay oo kulankiisii ugu horreeyey caawa u safan kara Kooxdiisa cusub ee Barcelona – Gool FM


(Barcelona) 24 Luulyo 2021. Ciyaaryahan Memphis Depay ayaa kulankiisii ugu horreeyey u safan kara caawa Kooxdiisa cusub ee Barcelona kulanka saaxiibtinnimo ee ay wajahayaan Girona.

Tababare Ronald Koeman ayaa liiska xiddigaha Kooxda Barcelona kulanka caawa uga qeyb-galaya ee isudiyaarinta xilli ciyaareedka ee wajahaya naadiga Girona ku darsaday saxiixiisa cusub ee Memphis Depay.

Koeman ayaa sidoo kale awood u yeeshay inuu soo dhoweeyo Clement Lenglet, Antoine Griezmann iyo Frenkie de Jong oo dib ugu soo laabtay isbuucaan Tababarka isudiyaarinta xilli ciyaareedka, saddexdaan xiddig ayaana ku soo baxay liiska xiddigaha caawa wajihi kara Kooxda Girona.

Todobaadkan ayay u duuli doonaan dalka Jarmalka, halkaasoo ay 29-ka bishaan July ay kula soo ciyaari doonaan Kooxda Stuttgart, intaas kaddibna waxa ay dib u soo laaban doonaan 02 bisha Agoosto ee soo aaddan.

Halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Kooxda Barcelona uga qeyb galaya kulanka caawa ee Girona:-

Goolhayeyaasha: Neto, Inaki Pena, Arnau Tenas.

Daafacyada: Sergino Dest, Sergi Roberto, Gerard Pique, Samuel Umtiti, Clement Lenglet, Igor Gomes, Santi Ramos Mingo, Moussa Ndiaye, Arnau Comas, Alejandro Balde.

Khadka dhexe: Frenkie De Jong, Miralem Pjanic, Riqui Puig, Nils Mortimer, Nico Gonzalez, Alex Collado, Gavi.

Weerarka: Memphis Depay, Antoine Griezmann, Rey Manaj, Yusuf Demir.

FC Barcelona News: Memphis Depay could make Barcelona debut in Girona  friendly | Marca

Gool FM.





Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .