Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

September 28, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Keligiis ayuu Koox dhan Taageere u ahaa, illaa markii dambe uu Guddoomiye u noqday isla kooxdii, koobna la qaaday!! – Gool FM


(Recife) 24 Luulyo 2021. Warbixinteenna maanta waxaan ku eegi doonnaa qiso yaab leh oo ku saabsan nin keligii taageerayay koox oo ahaa taageeraha qura ee ay kooxdaasi wadatay ee fadhiyay garoonka oo muddo gaaban gudaheeda guddoomiye u noqday isla kooxdii uu keligiis taageerayay!.

Kubadda cagtu ma’ahan dhaqaale iyo magac weynaan ee waa jaceyl iyo daacadnimo sida aad ku daawan doontaan sheekada nin lagu magacaabo Tiago Rech oo bishii Febraayo 2012-kii ay kaamirooyinku qabteen isagoo ahaa ruuxa qura ee taageerayay kooxda Santa Cruz ee fadhiyay garoonka, isagoo aan ka xishooneyn in uu ahaa qofka keliya ee maalinkaa taageerayay Santa Cruz, halka naadigii ay kooxdiisu la dheeleysay ee Gremio ay wateen 6,734 taageere oo u durbaan tumayay, kulankaas ayaa ku dhammaaday 4-1 oo looga adkaaday naadiga Santa Cruz.

Maadaama uu ahaa halka taageere ee taageerayay kooxda Santa Cruz waxaa ammaankiisa loo xil saaray afar nin oo Boolis ah oo intii ay ciyaartu socotay oo idil waardiyeynayay taageerahan daacadda ah ee Tiago.

Sawirkiisa ayaa lagu faafiyay baraha bulshada, iyadoo lagu diganayay si ba’anna loogu jees jeesayay, laakiin wuxuu ahaa mid jaceyl gooni ah u qabay kooxda ka dhisan magaalada uu ku dhashay ee Santa Cruz do Sul ee Koonfurta Waddanka Brazil, halkaas oo uu yaraantiisii Aabbihii ay isla daawan jireen kulammada ciyaareed ee kooxda Santa Cruz.

Tiago waxa uu ka shaqeyn jiray dowladda hoose ee Magaalada Santa Cruz, gaar ahaan xafiiska duqa magaalada isagoo u qaabilsanaa dhanka warfaafinta, waxaa kale oo uu lahaa jaraa’id isaga u gaar ah, hase yeeshee taasi kama reebin in uu waqti u helo kooxda uu taageero ee FC Santa Cruz, waxaana dhacday in sanadkii 2016-kii lagu daray shaqaalaha kooxda Santa Cruz.

2018-kii waxaa Tiago loo magacaabay Guddoomiyenimada kooxda Santa Cruz, wax alla iyo wixii uu kharash hayay ayuu geliyay kooxdiisa, waxaana 25 December 2020-kii kooxda Santa Cruz oo uu hoggaaminayay Tiyaago ay markii ugu horreysay ku guuleysteen Koobka Degmooyinka, waxaana ay boos ka heleen Copa do Brazil oo ah markii koowaad ee ay ka qayb galaan taariikhdooda.

Qisada Tiago Rech oo mar ahaa taageere keligiis ah, kaddibna noqday guddoomiyaha kooxdii uu keligii taageerayay kaddibna ku guuleystay Koob waxaan ka baran karnaa in riyooyinka qaar ay noqdaan kuwo dhab ah.

Intaas ayaan ku soo koobaynaa warbixintii yaabka lahayd ee taageerihii reer Brazil ee keligii taageerayay naadigiisa, halka kooxdii ay la ciyaarayeenna ay wateen 6734 (lix kun toddobo boqol & soddon iyo afar taageere).

Waxaa isku duway: Haaruun Yuusuf Khasaaro

Gool FM.





Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .