Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

September 17, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Joe Biden oo ogolaaday dib u dejin loo sameeyo qaxootiga Afghanistan. – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ogolaaday ilaa 100-milyan doolar oo loogu talagalay in lagu maareeyo kumanaan qof oo reer Afghanistan ah oo dalbaday fiisooyinka socdaalka gaarka ah,iyagoo cabsi ka qaba kooxda Taliban,sababo la xiriira in ay ahaayeen shaqaale la shaqeeya ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afganistaan.

Mareykanka ayaa isku diyaarinaya inuu bilaabo daad gureynta qeybtii ugu horeysay ee dadkaasi oo la geynayo Fort Lee, oo ah saldhig milatari oo ku yaal gobolka Virginia, halkaas oo ay ku sugi doonaan codsiyada fiisaha.

Maamulka Biden wuxuu dib u eegis ku sameynayaa xarumaha kale ee Mareykanka ee gudaha iyo dibedda, halkaasoo la dejin karo codsadayaasha iyo qoysaskooda.

Fiisooyinka soogalootiga qaaska ah waxaa heli kara dadka reer Afghanistan ee ku shaqeeyay turjumaan ahaan ama qabtay shaqooyin kale, wixii ka dambeeyay duulaankii Mareykanka uu horkacayay 2001-dii.

Maalintii Khamiista ee la soo dhaaafay Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa soo saaray sharci balaarinaya ilaa 8-kun tirada codsadayaasha  ee la siin karo fiisaha, kaasoo dabooli doona dhammaan baahiyada dadka.



Post Views:
98



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .