Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

September 17, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Harry Kane oo noqon doona xiddiga ugu mushaharka badan Premier League haddii uu ku biiro Man City… (Aqriso sida uu noqon karo 10-ka xiddig ee ugu mushaharka badnaan doona EPL)




(England) 24 Luulyo 2021. Kooxda Manchester City ayaa aad ugu dhow soo xero gelinta weeraryahanka naadiga Tottenham Hotspur ee Harry Kane, kaasoo sida la sheegay haatan ay isla meel dhigeen heshiiska shaqsiga ah.

Haddaba qormadan way ka geddisan warka arrimaha iibka laacibkan, balse waxaynu ku eegeynaa haddii uu ku biiro Man City booska uu ka geli doono xiddigaha ugu mushaharka badan guud ahaan horyaalka Premier League.

Kabtanka xulka qaranka England ayaa ka qaadan doono Etihad Stadium mushahar gaaraya 467 kun oo euro toddobaadkii marka ay Man City dhammeystirto saxiixiisa.

Halkan hoose ka eeg 10-ka ciyaaryahan ee ugu mushaharka badnaan doona horyaalka Ingiriiska iyo lacagta ay toddobaadkii ka qaadan doonaan kooxahooda marka uu Kane ku biiro Man City:-

10. Edinson Cavani – Manchester United – 292 kun oo euro

9. Anthony Martial – Manchester United – 292 kun oo euro

8. Timo Werner – Chelsea – 315 kun oo euro

7. Paul Pogba – Manchester United – 338 kun oo euro

6. Raheem Sterling – Manchester City – 350 kun oo euro

5. Kai Havertz – Chelsea – 362 kun oo euro

4. Jadon Sancho – Manchester United – 408 kun oo euro

3. Pierre-Emerick Aubameyang – Arsenal – 408 kun oo euro

2. Kevin De Bruyne – Manchester City – 449 kun oo euro

Lambar 1. waxaa geli doona Harry Kane kaasoo toddobaadkii Manchester City ka qaadan doona 467 kun oo euro haddii ay kuu guuleysato saxiixiisa.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .