Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

December 1, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Gareth Bale oo kusoo laabtay tababarka Real Madrid & MARCA oo shaacisay qorshaha uu xiddiga ka leeyahay mustaqbalkiisa – Gool FM




(Madrid) 24 Luulyo 2021. Iyadoo ay 26 maalmood kasoo wareegatay markii xulkiisa Wales laga cirib tiray tartankii EURO 2020, Gareth Bale ayaa kusoo laabtay xerada tababarka Real Madrid xilli 307 maalmood laga joogo markii xiddigan amaah loogu diray naadiga Tottenham Hotspur.

Bale ayaa galay sanadkii ugu dambeeyay qandaraaskiisa, waxaana haatan wargeyska MARCA uu sheegay inuu laacibka garabka ku ciyaara uu usoo laabtay inuu dhammeysto sanadka kaga harsan heshiiskiisa.

Si kastaba ha ahaatee, 32-jirkan ayaa xagaa walba ka mid ah xiddigaha mustaqbalkooda la hadal hayo, haatanna kama geddisna, balse wargeyska ugu caansan Spain ayaa sheegay in Bale uu go’aansaday inuu xilli ciyaareedka soo aaddan la shaqeeyo macallinkii Los Blancos usoo iibiyay xagaagii 2013 ee Carlo Ancelotti.

Bale during training.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .