Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

September 28, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Antoine Griezmann oo ku wargaliyay Barcelona kooxda uu doonayo inuu u dhaqaaqo – Gool FM




(Barcelona) 24 Luulyo 2021. Wargeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Antoine Griezmann uusan dooneynin inuu ka tago Barcelona ilaa uu u dhaqaaqo kooxdiisii ​​hore ee Atletico Madrid, isagoo diiday dhamaan xulashooyinka kale ee suuqa yaala.

Barcelona ayaa dooneysa inay iibiso Antoine Griezmann si loo yareeyo mushaharka ciyaartoyda, isla markaana loo xakameeyo miisaaniyada kooxda, Madaxweynaha Joan Laporta ayaa qirtay inay macquul tahay in la iibiyo weeraryahanka reer France hadii ay ku helaan dalab dhaqaale oo soo jiidasho leh.

Dhinaca kale warar ayaa sheegaya in Atletico Madrid ay wadahadalo la gashay kooxda Barcelona si ay u soo afjarto heshiis ay isku dhaafsanayaan xiddigaha Saúl Ñíguez iyo Antoine Griezmann, kaasoo ugu dambeyntii ay diiday kooxda reer Catalonia, oo dooneysa in ciyaaryahanka reer France ay ku hesho dhaqaale.

Wargeyska ayaa sidoo kale tilmaamay in Griezmann uu maamulka Barcelona u sheegay inuu ka tagayo kooxda hadii uu ku laabanayo Atletico Madrid oo kaliya, isaga oo iska diiday u dhaqaaqista kooxo ay ka mid yihiin Tottenham ama Manchester City.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .