Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 21, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Chelsea oo ka fiirsaneysa inay ku xoojiso safkeeda ciyaaryahan hore ee kooxda Manchester United – Gool FM




(London) 23 Luulyo 2021. Sida lagu sheegay warbixin uu daabacday wargeyka “Daily Mail” ee dalka England, maamulka kooxda Chelsea ayaa doonaya inay la soo wareegaan goolhayihii hore Manchester United ee Sergio Romero.

Chelsea ayaa ka fiirsaneysa inay ku xoojiso safkeeda goolhaye seddexaad, si uu u wehliyo goolhayayaasha Edouard Mendy iyo Kepa Arrizabalaga, xilli ciyaareedka cusub.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel uu doonayo inuu abuuro xaalad tartan si kor loogu qaado heerka Edouard Mendy iyo badelkiisa Kepa Arrizabalaga, wuxuuna xiiseynayaa inuu la soo saxiixdo Sergio Romero.

Chelsea are 'considering a move for former Manchester United goalkeeper Sergio  Romero' | Daily Mail Online

Warbixinta ayaa tilmaamtay inuu dhammaaday xiriirkii uu dhexeeyay goolhaaye Willy Caballero iyo Chelsea, bishii hore, hadana tababare Thomas Tuchel uu raadinayo goolhaye seddexaad oo qeyb ka noqda liiska kooxda.

Sergio Romero ayaa Manchester United kaga soo biiray kooxda Sampdoria sanadkii 2015, isaga oo qandaraaskiisa dhacay dhammaadka xilli ciyaareedkii 2020/21. wuxuu matalay maaliyada Red Devils 61 kulan, waxaa shabaqiisa laga dhaliyay 27 gool, wuxuuna shabaqiisa oo nadiif ah ilaashaday 39 kulan.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .