Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 15, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Manchester United oo horumar ka sameyneysa soo xero gelinta Raphael Varane… (Maxaa soo kordhay?) – Gool FM




(Manchester) 22 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay si rasmi ah wada-xaajood ula furatay Real Madrid kaasoo ay ku dooneyso soo xero gelinta Raphael Varane xagaagan.

Wariyda la isku halleyn karo ee Fabrizio Romano ayaa sheegay inuu wada-xaajood rasmi ah haatan u bilawday kooxaha ugu guulaha badan horyaallada Premier League iyo La Liga iyadoo dhinaca kalena Varane uu aad u xiiseynayo inuu wada-hadalku guul ku dhammaado si uu xagaagan ugu wareego Old Trafford.

Difaaca Faransiiska ah ayaa la sheegay inuu aqbalay ku biirista naadiga Red Devils, balse uu xushmeynayo qandaraaska uu Madrid kula jiro kaasoo dhici doona xagaaga dambe.

Si kastaba ha ahaatee, Man United iyo Los Blancos ayaa si aad ah uga doodaya qiimaha 28-sano jirkan lagu kala wareegsanayo maadaama lacagta ay Real Madrid dalbatay oo ah 50 milyan oo gini ay u muuqato mid ay kooxda Ingiriiska ka dhisan ka cago jiideyso.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .