Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 15, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Madaxweynaha Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaarie oo kormeeray goobihii laga xoreey…

Madaxweynaha Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaarie oo kormeeray goobihii laga xoreeyay Kooxaha Argagaxisada.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kormeer ku tagay goobihii laga xoreeyay kooxaha argagaxisada ah ee Shabaab.

Madaxweynaha ayaa safar dheer oo dhulka ah kaga ambabaxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug asagoona gaaray galinkii hore ee maanta magaalada Wisil ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidamada qalabka sida ee howlgalada ka wada halkaas ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay wisil asagoona halkaas warbixin kaga dhageystay.

Madaxweynaha oo safarkiisa sii wata ayaa kormeer ku sii maray deegaano ka tirsan Bacadweyne asagoona ugu danbeyntii tagay Degmada Bacadweyne oo ciidamada qalabka sida ay dhawaan ka xoreeyeen kooxaha khawaarijta ah ee nabaddiidka ah.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Galmudug iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa galinkii danbe ee maanta kormeerkiisa kusoo afmeeray Degmada Camaara iyo deeganada hoos yimaada oo dhawaan laga sifeeyay kooxaha Nabaddiidka ah.


May be an image of 4 people, people standing, military uniform and outdoorsMay be an image of 2 people, military uniform and outdoorsMay be an image of 4 people, military uniform and outdoorsMay be an image of 6 people, military uniform and outdoors


Dalka Tv

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .