Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

September 28, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Booliska Somaliland oo xabsi sharci darro ah dhigay Madaxa hay’adda Dhaxalreeb * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.


Waxaa maanta magaalada Hargeysa gaar ahaan garoonka Cigaal lagu xiray Guddoomiyaha Xarunta Horumarinta Hoggaaminta Mr Jaamac Cigal .

Saraakiil  katirsan Garoonka diyaaraha Cigaal ayaa xabsiga dhigay Mr Jaamac islamarkii uu Garoonka ka dagay iyadoo ujeedkiisu uu ahaa in uu lasoo ciido qaar kamid ah qoyskiisa oo halkaa ku nool.

Mr Jaamac Cigal ayaa ah nin qonyaro socod ah oo wax dambi ah aanan ka gelin maamulka iskiisa ugu dhawaaqay madax banaanida ee Somaliland waxaana uu ka shaqeeya arrimaha horumarinta hogaaminta Soomaaliya.

Ilaa hadda Booliska Somaliland ma aysan ka hadlin sababta ka dambeysa xariga sharci darrada eh ee lagula kacay Jama Egal iyadoo ay xusid mudantahay in ilaa hadda uu xasbiga ku jiro.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa sidoo kale heysta dhalashada mid kamid  ah wadamada reer Yurub isagoo sanadihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho waxaana uu kamid yahay dadka ka shaqeeya horumarka dalka iyo fikirka dadka.

Somaliland ayaa sidan oo kale iska xirata muwaadiinta Soomaaliyeed ee ka daga garoonka diyaaradaha Cigaal kuwaa oo badankooda halkaas ka soo jeeda islamarkana aan wax dambi ah gelin.

Muqdisho-Somalia



Cadceed News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .