Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

September 28, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Slovakia vs Spain… (Muxuu u baahan yahay xulka La Roja si uu ugu gudbo wareegga 16-ka tartanka Euro 2020?) – Gool FM


(Seville) 23 Juun 2021. Xulka qaranka dalka Spain ayaa caawa halis ugu jira inuu ku haro wareegga guruubyada ee tartanka qarammada qaaradda Yurub isagoo caawa la balansan xulka Slovakia oo u baahan kaliya barbarro inuu helo ama hal dhibic si uu wareegga xiga u gaaro.

Macallin Luis Enrique ayaa wajahaya cadaadis badan, waxaana waajib ku ah inuu Spain guul gaarsiiyo si ay u ciyaaraan wareegga bug-baxda tartanka Euro 2020.

Xulka Spain haddii uu guul gaaro waxa uu si toos ah ah usoo aadi doonaa wareegga bug-baxda ee tartanka Euro 2020, inuu kusoo baxo kaalinta koowaad ama labaadna waxay ku xirnaan doontaa natiijada ciyaarta Sweden iyo Polan, oo haddii xulka Sweden uu guuleysto, La Roja waxaa u bannaan kaliya booska labaad.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europe – EURO 2020

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Estadio Olímpico de la Cartuja

Garsooraha: Bjorn Kuipers (Netherlands)

Wararka Xulalka:-

Xulka Slovakia ayaanan heli doonin xiddiga garabka ka ciyaara ee Ivan Schranz kaasoo dhaawac ku seegaya iyo difaaca xanuunka Korona Fayras la xanuunsanaya ee Denis Vavro.

Dhinaca kale, Spain waxaa caawa usoo laabanaya xiddiga Kabtankooda Sergio Busquets kaasoo labadii ciyaarood ee hore ku seegay xanuunka Koofid19.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Xulka Slovakia ayaa kaliya guuleystay kaliya hal kulan lixdii ciyaarood ee ay wada ciyaareen Spain, hal barbarro iyo afar guuldarro ayaana soo gaaray, marka laga soo tago guushii Slovakia uu ka gaaray Spain is reeb-reebkii qarammada qaardda Yurub bishii October ee 2014, ciyaarta caawa ayaa ah tan ugu weyn ee ay iska hor imaanayaan labada xul.

Xulka Spain ayaa guuleystay dhammaan saddexdii ciyaarood ee uu Slovakia kula ciyaaray carradiisa isagoo wadar ahaan ka dhaliyay 11 gool.

Shaxda macquulka ah ee labada Xul:-

Gool FM.





Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .