Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

July 24, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Portugal vs France… (Sidee ayuu xulka Faransiisku ku joogaan wareegga bug-baxa tartankan xitaa haddii caawa laga adkaado?) – Gool FM


(Budapest) 21 Juun 2021. Xulka qaranka Portugal ayaa caawa wajahaya kulan kale oo aan la saadaalin karin natiijadiisa, balse cadaadiska kulankan ayaa u muuqda mid ka yara sahlan kii Jarmalka maadaama xulka France uu xaqiijiyay booskiisa wareegga 16-ka.

Dabcan aqriste, halkan aan kuugu caddeeyo sida Faransiiska uu ku xaqiijiyay usoo bixitaanka wareegga bug-baxda tartanka qarammada qaaradda Yurub.

Sida caadiga ah, labada xul ee ugu sarreeya guruub walba ayaa u gudbaya wareegyada bug-baxda tartanka Euro 2020, sidaas darteedna waxay tiradooda noqon doontaa 12 dal.

Si loo dhammeystiro wareegga 16-ka tartanka, waxaa 12-kii dal ee kaalimaha koowaad iyo labaad ku gaaray wareeggaas lagu dari doonaa afar xul oo kusoo baxay kaalinta saddexaad.

Lixda xul ee ku dhammeystay kaalimaha saddexaad ayaa lagu kala dooran doonaa natiijooyinkii ay gaareen kulammadii ay ciyaareen iyo dhibcaha ay heleen, sidaas darteed, waxaa Faransiiska uu leeyahay afar dhibic, waxaana jira labo xul oo min saddex dhibic ku fadhiya kaalimaha saddexaad ee guruubyadooda waana Finland (Group B) iyo Ukraine (Group C).

Sidaas darteed, Faransiiska xitaa haddii laga adkaado waxa uu kusoo gudbi doonaa kaalinta saddexaad.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europe – EURO 2020

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Puskas Arena

Garsooraha: Antonio Mateu (Spain)

Wararka Xulalka:-

Xiddigaha kala ah Joao Felix iyo Nuno Mendes ayaa xaaladdooda caafimaad la qiimeyn doonaa saacadaha ugu dambeeya haddii ay u caawa u safan karaan xulkooda Portugal maadaama dhaawacyo muruqa ah ay qabaan labadoodaba.

Dhinaca Faransiiska, waxaa ciyaartan iyo guud ahaanba tartanka dhaawac jilibka kasoo gaaray ku seegaya Ousmane Dembele kaasoo ku dhaawacmay kulankii Hungary iyo France dhex maray.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Guushii Portugal uu ka gaaray Faransiiska Euro 2016 ayaa ah guusha kaliya ee uu xulkaas ka gaaray France 13 kulan oo ay wada ciyaareen, waxaana 11 ka mid ah adkaaday France, hal ciyaarna barbarro ayay galeen labada xul.

Waa markii shanaad oo ay labadan xul isaga hor imaanayaan tartan weyn, balse waa markii ugu horreysay ee ay isku arkayaan marxaladda guruubka, afartii jeer oo hore waxay isku arkeen wareegga nus-dhammaadka Euro 1984, Euro 2000, Koobkii Adduunka 2006 iyo ciyaartii fiinaalka Euro 2016, Faransiiska ayaana guuleystay saddexda hore halka 2016 xulka Portugal uu tartanka Euro fiinaalkiisa ka qaaday France.

Afartii ciyaarood ee lasoo dhaafay oo ay labadan xul wada ciyaareenna waxaa la iska dhaliyay kaliya saddex gool.

Shaxda macquulka ah ee labada Xul:-

Gool FM.





Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .