Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

September 28, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Group-ka E ee Koobka EURO 2020 oo caawa la soo gaba-gabeeyey, xilli xulka Spain uu guul weyn gaaray… +SAWIRRO – Gool FM




(Seville) 23 Juun 2021. Waxaa caawa la soo gabagabeeyey Group-ka E ee Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020., iyadoo labo xul ay si toos ah uga soo baxeen Guruubkan.

Xulka qaranka Spain ayaa kaalinta labaad kaga soo baxay Group-ka E kaddib markii uu ku garaacay dhigiisa Slovakia 0-5.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka Spain.

Daqiiqadii 12-aad xulka Spain aayaa hoggaanka u qabtay ciyaarta kaddib markii uu gool iska dhiliyay xiddiga qaranka Slovakia ee Martin Dubravka, dheesha ayaa sidaas ku noqotay 0-1.

45+3 marka ay ciyaarta mareysay Aymeric Laporte oo caawin ka helay saaxiibkiis Gerard Moreno ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-2 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka Spain.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 56-aad xulka qaranka Spain ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta waxaana 0-3 ka dhigay Pablo Sarabia, kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Jordi Alba.

64 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Ferran Torres oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis Pablo Sarabia, ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-4 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka Spain.

Daqiiqadii 71-aad ciyaarta ayaa noqotay 0-5 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka Spain kaddib markii uu gool iska dhilayay ciyaaryahanka xulka Slovakia ee Juraj Kucka

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaantay 0-5 uu kaga adkaaday Xulka qaranka Spain dhigiisa Slovakia, haddaba xulalka Sweden iyo Spain ayaa kaga soo gudbay Group E kaalinta koowaad iyo labaad sida ay u kala horeeyaan, waxayna iska xaadiriyeen wareega xiga 16-ka  Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020.

SAWIRRO:

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .