Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

June 23, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

“Ramos waa kabtanka ugu fiican ee aan ku soo arkay xirfadayda ciyaareed” – Ramos – Gool FM




(Madrid) 11 Juun 2021. Xiddiga Real Madrid ee Toni Kroos ayaa muujiyay rabitaankiisa ah in kabtan Sergio Ramos uu sii joogo kooxda xilli ciyaareedka soo socda, madaama qandaraaskiisa uu ku dhow yahay inuu dhaco.

Qandaraaska Ramos ee kooxda Real Madrid ayaa dhacaya dhamaadka bishaan, sidaas darteedna wuxuu si bilaash ah kaga tagi doonaa xagaagan haddii aan wax heshiis cusub ah ka saxiixin maamulka kooxda

Yeelkeede, Toni Kroos ayaa ammaanay saaxiibkiis reer Spain, isagoo xusay inuu yahay kabtankii ugu fiicnaa ee uu arko intii uu ku guda jiray xirfadiisa ciyaareed, isagoo rajeeyay inuu sii joogi doono kooxda, sababa la xiriira inuu yahay ciyaaryahan aad u muhiim ah.

Haddaba Toni Kroos oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu shaaca ka qaaday sida uu u doonayo in Sergio Ramos uu sii joogo kooxda Real Madrid, wuxuuna yiri:

“Uma maleynayo inay tahay inaan ka hadalno muhiimada Sergio Ramos u leeyahay Real Madrid, ma aqaano sida ay u socoto xaalada kooxda, laakiin waxaan u maleynayaa inuu heysto 20 maalmood oo kale qandaraaskiisa.”

“Waxaana dhihi karaa oo kaliya inaan wax badan kula riyaaqay sanadihii la soo dhaafay, waxaana rajeynayaa inaan sanad kale la qaato.”

“Marwalba wuxuu ahaa saaxiib weyn iyo kabtan heer sare ah, wuxuu ahaa kabtanka ugu fiican ee aan waligay lashaqeeyo.”

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .