Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

May 13, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Kooxdii ugu horreysay ee ka dhisan Spain oo isaga baxday tartanka European Super League – Gool FM




(Madrid) 21 Abriil 2021. Kooxdii ugu horreysay ee ka dhisan dalka Spain ayaa isaga baxday tartanka laga sii qulqulayo ee European Super League.

Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee dalka Spain ayaa xaqiijisay inay si rasmi ah uga baxeen tartanka European Super League.

Atletico Madrid waxa ay noqotay kooxdii ugu horreysay ee ka ciyaarta horyaalka La Liga oo ku dhawaaqda inay isaga baxeen tartanka European Super League (ESL).

Dhammaan lixda kooxood ee ka dheela English Premier League ayaa xaqiijiyey bayaankooda ay uga baxayaan tartankan cusub ee European Super League kaddib cadaadis ay la kulmeen.

Tartankanka waxaa xalay isaga baxay lixda kooxood ee ugu waa weyn horyaalka Premier League ee kala ah Manchester United, Liverpool, Manchester City, Chelsea, Arsenal iyo Tottenham, waxaana raacay kooxda reer Talyaani ee Inter Milan.

Atletico ayaa hadda iyana raacday tallaabadaas ay qaadeen kooxahaas, waxaana ay noqotay kooxdiis ugu horreysay ee ka dhisan Spain oo isaga baxda European Super League, iyadoo weli ay tartankaasi baaqi ku yihiin Real Madrid iyo Barcelona.

Bayaan ay soo saartay Los Rojiblancos ayay ku xaqiijisay ka bixitaankeeda tartankan European Super League.

Haatan waxaa tartanka European Super League ku jirta labada kooxood ee reer Talyaani AC Milan iyo Juventus si la mid ah labada Spain ee Real Madrid iyo Barcelona.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .