Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

May 13, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Kaddib go’aankii ay kooxaha England uga go’een Super League, aas-aasayaasha tartankan oo go’aan cad ka gaaray fikraddooda… (Miyuu burburay ESL?)




(Yurub) 21 Abriil 2021. Kaddib markii ay kooxaha ka ciyaara horyaalka Premier League isaga hareen kasii mid ahaanshaha tartanka European Super League, waxaa is dhabar jab la kulmay guud ahaan qorshihii aas-aaska tartankan.

Guddoomiye ku xigeenka tartankan ee Andrea Agnelli ayaa si cad u xaqiijiyay in fikraddooda aysan sii shaqeyneyn kaddib markii lixda koox ee ka dhisan England ay xalay ku dhawaaqeen inaysan ka sii mid ahaaneyn Super League.

Agnelli oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qiray inuusan socon karin tartankan kaddib markii kala bar kooxihii aas-aasay ay isaga bexeen.

Sidaas darteed, taageerayaasha kubadda cagta, gaar ahaan, kuwa u sacab tuma naadiyada Ingiriiska ayaa ku guuleystay inay kooxahooda ka saaraan aragtida loo arkay inay dumineyso kubadda cagta.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .