
Wasiirada Maaliyadda iiyo Howlaha guud ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kormeerey dib u dhiska ka socda guriga Hooyooyinka Qaranka ee Zaynab Baxsan oo lagu dayactirayo ololaha isxilqaan.
C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Maxamed Aadan Macalin ayaa warbixino ka dhegeystay mas’uuliyiinta gacanta ku heysta dhismaha guriga, ayagoo ka waramay halka uu marayo dayactirka iyo waxyaabaha ka dhiman.
Dowladda Soomaaliya ayaa ololaha isxilqaan ku dhistay dhismiyaal muhiim u ah qaranka kuwaas oo uu saameeyay dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay 30 sano ka hor.
More Stories
Saraakiil ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo duqeyn lagu khaarijiyey + Magacyada
Madaxweynaha Maamulka K/G oo shir guddoomiyay kulanka amniga
Kiiskii Mahad Abiib oo weji cusub yeeshay