

(Yurub) 08 Abriil 2021. Ninka ugu dheereeya Adduunka ee Usain Bolt ayaa kala doowan waayey xiddigaha dunida kubadda cagta maamulaya ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, laakiin waxa uu xusay waxa uu weeraryahanka Juventus kaga fiican yahay kabtanka Barcelona.
Usain Bolt ayaa indhaha ku haya inuu ogaado waxa uu mustaqbalka soo wado xiddiga da’da yar ee Kylian Mbappé, waxaana uu sharraxay sababta uu isagu Cristiano Ronaldo uga door-bidayo Lionel Messi.
Halyaygan Orodyahanka ah ayaa wareysi uu siinayey Jariiradda Talyaaniga ah ee La Gazzetta dello Sport ayaa ka hadlay arrimo kala duwan, waxaana uu ku biiray doodda aan dhammaadka lahayn ee ku sabaabsan Weeraryahanka Juventus iyo midka Barcelona.
“waa ay adag tahay inaan kala doorto, maxaa yeelay anigu taageere ayaan u ahay Argentina, laakiin sidoo kale waxaan taageere weyn u ahay Cristiano Ronaldo” ayuu yiri Bolt.
“Waxaan la dhacsanaa Ronaldo tan iyo markii uu u ciyaarayey Manchester United, maxaa yeelay waxaan taageere u ahay Red Devils, waxaana u malaynayaa isagu inuu haysto wax ka badan Messi, sababtoo ah waxa uu isku caddeeyey horyaallo badan, sidaa darteed waxaan qaatay Ronaldo.
“Si kastaba waxaa jira xiddigo badan oo da’yar ah oo soo jiidasho leh, Mbappé tusaale ahaan, waxaan rabaa inaan ogaado mustaqbalka ku keydsan hibada xiddigahan da’da yar.”
Gool FM.
More Stories
Kooxda Inter Milan oo isaga baxday tartanka European Super League – Gool FM
Kaddib go’aankii ay kooxaha England uga go’een Super League, aas-aasayaasha tartankan oo go’aan cad ka gaaray fikraddooda… (Miyuu burburay ESL?)
Man City, Tottenham, Real Madrid, AC Milan, Inter Milan, Juventus iyo Guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono horyaallada waa weyn ee qaaradda Yurub