Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

April 21, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Muxuu Cumar Cabdirashiid ka yiri fashilka ku yimid shirkii Afisyoone?


Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar  Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay xaaladda kasii dareysa ee doorashooyinka dalka, kadib fashilka ku yimid shirkii ka socday Afisyoone.

Cumar Cabdirashiid oo haatan ka mid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in ujeedada laga leeyahay fashilinta wada-hadallada doorashooyinka dalka ee 2021 ay tahay muddo kororsi la doonayo in loo sameeyo hay’adaha dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka digay in muddo kordhin hor leh la sameeyo, iyada oo aysan jirin heshiis siyaasadeed oo taageerayo.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray, haddii la qaado wadadaasi, iyada oo la’iska indho-tirayo xaaladda adag ee jirta ay keeni karto xasillooni darro iyo kala qeybsanaan.

“Ujeedada laga leeyahay in la carqaladeeyo wadahadalada su ay u burburaan waa  kordhinta waqtiga hay’adaha dowladda, iyada oo uusan jirin heshiis siyaasadeed oo taageeraya, waxayna kaliya halis ugu jirtaa inay keento xasillooni darro iyo kala qaybsanaan,” Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo ka tirsan Aqalka Sare.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ay ku kala kaceen wada-hadalladii gogol xaarka ah ee ka socday Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, kadib markii la’isku fahmi waayey ajandaha shirka doorashooyinka.





Caasimadda News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?