Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

April 21, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Manchester United oo qorsheyneysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahan ka tirsan kooxda Juventus – Gool FM




(Manchester) 08 Abriil 2021. Manchester United ayaa qorsheyneysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahan ka tirsan kooxda Juventus, si ay ugu guuleysato adeegiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo socda.

Xiddiga kooxda Juventus ee Dejan Kulusevski ayaa qeyb ka soo noqday liiska musharaxiinta lala xiriirinayo inay u dhaqaaqi doonaan Manchester United, inta lagu jiro suuqa xagaaga ee soo socda.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Express” ee dalka England ciyaaryahanka reer Sweden ayaa bar-tilmaameed u noqday kooxda Manchester United, xilli laacibkan uu ku dhiban yahay inuu fursad ka helo tababaraha Juventus ee Andrea Pirlo.

Andrea Pirlo ayaa ku tiirsan adeega Federico Chiesa in kabadan Dejan Kulusevski, taasoo u horseedi karta laacibkii hore kooxda Parma inuu doorbido fikirka ah inuu ka tago Bianconeri xilli ciyaareedka soo socda.

Haddii ay Juventus ku guuldarreysato inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka soo socda, way ku adkaan doontaa maamulka kooxda inay diidaan dalabyada laga soo gudbinayo Dejan Kulusevski, taasoo laga yaabo inay ka faa’ideysato Manchester United si ay u hesho adeega ciyaaryahanka reer Sweden.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?