Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

April 21, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Liverpool iyo Chelsea oo ku dagaallamaya saxiixa laacib khadka dhexe ka ciyaara – Gool FM




(England) 08 Abril 2021. Kooxaha kubadda cagta ee Chelsea iyo Liverpool ayaa suuqa xagaagan baadi goobaya xiddigo cusub oo khadka dhexe ka ciyaara.

Labada koox ee ka dhisan Ingiriiska ayaa markan bartilmaameedkooda hal meel u weeciyay, waxayna si isku mid ah u doonayaan saxiixa laacibka khadka dhexe kaga ciyaara kooxda Ajax ee Ryan Gravenberch.

Liverpool linked with Ajax prodigy Ryan Gravenberch

Reds ayaa laacibkan u aragta baddelka saxda ah ee Georginio Wijnaldum kaasoo bilaash kaga tagaya Anfiel marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan maadaama uu dhici doono qandaraaskiisa.

Halka Chelsea tababaraheeda Thomas Tuchel uu doonayo inuu khadkiisa dhexe kusoo daro 18-jirkan, maadaama loo badinayo in Blues ay fasixi doonto Jorginho.

Gravenberch ayaa xilli ciyaareedkan bandhig il-qabad leh kusoo bandhigay kulammadii uu Ajax u ciyaaray isagoo saftay illaa iyo 36 kulan, waxaana u sii dheer saddex kulan oo uu u ciyaaray qaranka Netherlands.

Si kastaba ha ahaatee, jariiradda Gazzetta dello Sport ayaa warineysa in Tuchel uu macallinka Liverpool ee Jurgen Klopp kula dagaallamayo saxiixa da’yarkan, inkastoo naadiga ciyaarta horyaalka Eredivisie ay laacibkeeda ku qiimeyso lacag dhan 30 milyan oom gini.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?