
Guddiga COVID-19 ee Puntland ayaa si ku meelgaar ah u hakiyey Dhammaan Howlaha Waxbarashada ee ka socda Goobaha Dugsiyada aas-aasiga ah , Macaahidda iyo Jaamacadaha , waxaa Waxbarashada lagu sii wadi doona Barnaamijka fogaan aragga .
Dadweynaha reer Puntland waxaa la faray inaysan isugu imaan karin Goobaha cilaajka iyo madalaha dadweynuhu isugu yimaadaan,si looga feejignaado halista Cudurka COVID-19 oo soo laba kacleeyey.
Guddiga COVID-19 ee Puntland, iyagoo ka duulaya Bisha Barakaysan ee Ramadaan waxaa Mas’uuliyiinta masaajida la faray in xiliyada salaadaha laysu jirsado masaafo dhan 2-mitir ,iyadoo la soo gaabinayo salaadaha Taraawiixda iyo Jimcaha .
Ugu dambayna waxaa uu Guddigu shacabka Soomaaliyeed ee reer Puntland ugu baaqeen qaadashada Tallaalka si halista Cudurka u yaraado .
More Stories
Angola oo Soomaaliya iyo Kenya u soo magacaawday hal safiir – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia
Saraakiil ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo duqeyn lagu khaarijiyey + Magacyada
Madaxweynaha Maamulka K/G oo shir guddoomiyay kulanka amniga