Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

April 21, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

DAAWO:-PSG Oo Garaacday Bayern Munich +SAWIRRO


Kulan xiiso iyo xamaasad leh ayaa dhexmaray kooxaha Bayern Munich iyo PSG kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka champions League kulan dhexmaray labadii kooxood ee isaga hor yimid Final-ka champions League xilli ciyaareedkii hore.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaaa ku bilowday qaab xamaasad leh iyada oo labada kooxoodba isku qaadayeen weeraro waali ah oo aan kala joogsi lahayn iyada oo ayna kooxna difaac ku jirin koox walbana raadinaysay goolal.

Kooxda PSG oo doonaysay in ay Bayern Munich ka aar gudato final-kii tartanka champions league xilli ciyaareedkii hore ayaa gool deg-deg ah dhalisay iyaga oo ku hor maray goolka.

Daqiiqadii 3-aad ayay kooxda PSG dhalisay goolka 1-ad waxana u dhaliyay xiddiga Kylian Mbappe kaas oo kooxdisia u dhiibay hogaanka ciyaarta 1/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso.

Kooxda Bayern Munich ayaa la wareegtay maamulista ciyaarta iyaga oo PSG Ku qaaday weeraro waali ah oo aan kala joogsi lahayn waliba sameeyay fursado cajiib ah oo ay ku raadinayeen goolka bar-baraha.

Kooxda PSG ayaa daqiiqadii 12-aad dhalisay gool kale iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Draxler laakiin Goolkaas ayaa la diiday Sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddigu.

Kooxda Bayern Munich ayaa wax walba u samaysay si ay u dhaliso goolka bar-baraha laakiin kooxda PSG ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqadii 28-aad ayay PSG dhalisay goolka 2-aad waxana markan u dhaliyay xiddiga Marquinhos kaas oo hogaanka u dheereeryay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 2/0 ay kaga horeeyaan Bayern Munich.

Tababaraha Kooxda PSG ayaa sameeyay laba is badal kadib markii uu arkay in kooxdiisa lagu tumanayo taas oo u muuqatay mid saamayn ku yeelatay kooxdiisa.

Daqiiqadii 37-aad ayay Kooxda Bayern Munich dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Eric Maxim Choup-Moting kaas oo ciyaarta ku soo celiyay kooxdiisa kana dhigay 2/1.

Kooxda PSG ayaa heshay fursado waali ah oo ay goolal ku dhalin karto laakiin Goolhayaha Bayern Munich ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah halka uu Goolhayaha PSG dhankiisa sameeyay badbaadin waali ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay kooxda PSG ku hogaaminayso ciyaarta Halka ay Bayern Munich maamulasay ciyaarta wax walbana u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolal.

Qaybta Dambe:

Kooxda Bayern Munich ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe ee ciyaarta iyaga oo raadinayay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka bar-baraha ciyaartana ugu soo laaban lahaayeen.

Kooxda PSG ayaa dhankeeda difaac gashay iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah waliba adeegsanayay orodka xiddigaha Mbappe iyo Neymar kuwaas oo khaati ka dhigay daafaca kooxda Bayern Munich.

Daqiiqadii 60-aad ayay koxda Bayern Munich dhalisay goolka 2-aad ahna goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Thomas Muller kaas o ciyaarta ka dhigay bar-baro 2/2 ah.

Kooxda Bayern Munich ayaan halkaas ku joogsan waxana ay bilaabeen in ay raadiyaan goolka guusha halka ay kooxda PSG Daafac galeen sidoo kale adeegsanayeen kubado orod ah.

Daqiiqadii 68-aad ayay Kooxda PSG dhalisay goolka 3-aad kadib markii ay qaadeen weerar rogaal celis ah oo uu hogaaminayay xiddiga Kylian Mbappe kaas oo laftiisu gool u badalay fursadaas ciyaartana ka dhiga 3/2 ay kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Bayern Munich ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka halka ay kooxda PSG wax walba u samaysay sidii ay u difaacan lahayd goolkeeda.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ahayd mid waali ah oo ay kooxda PSG ka gaadhay Kooxda difaacanaysa champions League guul cajiib ah iyaga oo marti ah.



Wardoon news

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?