Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

April 21, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

PSG oo guul muhiim ah kaga soo heshay Bayern Munich garoonka Allianz Arena, xilli uu labo jeer shabaqa soo taabtay Mbappe… +SAWIRRO – Gool FM




(Munich) 07 Abril 2021. Paris Saint-Germain ayaa guul ka soo heshay kooxda Bayern Munich oo ay ku booqatay garoonka Allianz Arena, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 2-3, kulankii lugta hore siddeed dhammaadka Champions League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-2 ay ku hoggaaminysay kooxda martida aheyd ee Paris Saint-Germain.

Daqiiqadii 3-aad Paris Saint-Germain ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Kylian Mbappe, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Neymar Jr.

28 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kabtanta kooxda PSG ee Marquinhos oo caawin ka helay saaxiibkiis Neymar Jr ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2.

Laakiin daqiiqadii 37-aad kooxda Bayern Munich ayaa dhalisay gool, waxaana ciyaarta 1-2 ka dhigay Eric Maxim Choupo-Moting, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Benjamin Pavard.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 61-aad Bayern Munich ayaa la timid goolka barbardhaca kaddib markii uu 2-2 ka dhigay Thomas Mueller, waxaana goolkan ka caawiyay Joshua Kimmich.

68 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Kylian Mbappe ayaa wuxuu markale hoggaanka u dhiibay Paris Saint-Germain, wuxuuna dheesha ka dhigay 2-3.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 2-3 ay kaga soo adkaatay Paris Saint-Germain kooxda Bayern Munich oo ay ku booqatay garoonka Allianz Arena, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada lugta hore wareega siddeed dhamaadka ee tartanka UEFA Champions League.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?