Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

June 25, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Faahfaahin dagaal caawa ka dhacay Baladwaye – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Wararka  naga soo gaaraya magaalada Baladwayne ee xaruunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya laba ciidan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo hubeeysan ay weerareen Bar-Koontarool oo Ciidamada Booliska Hir-shabeelle aay Cashuurta ku  qadaan, taasi oo ku taalla duleedka magaalada Baladweyne , gaar  ahaan Konotoroolka garoonka diyaaradaha.

Wariyaha idaacadda Kulmiye ee Beledwayne ayaa soo sheegaya in rasaas xooggan laga maqlay magaalada, isla markaasna uu jiro khasaare ka dhashay dagaalka.

Inta la xaqiijiyay, waxaa dagaalka ku geeriyooday saddex ruux oo kawada tirsan dhinacyada uu dagaalka dhexmaray, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada weerarka qaaday in ay ka tirsan yihiin Militeriga Soomaaliya, gaar ahaan qeyb 21-aad, kuwaasi oo Tababar ku  qaadnayay Xerada Harqaboobe.

Guud ahaan bartii kontorool ee ciidamada Hirshabeelle canshuurta ku qaadi jireen ayaa waxaa la wareegay ciidamadii weerarka soo qaaday.

Xaaladda magaalada Beledwayne ayaa caawa kacsan, gaar ahaan goobtii uu ka dhacay dagaalka.



Post Views:
106



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .