

(Liverpool) 07 Maarso 2021. Tababaraha Kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa si adag uga hadlay warar sheegaya in laga cayrin karo shaqada Liverpool maadaama haatan uu qaab ciyaareed hooseeya ku hoggaaminayo Kooxda.
Jurgen Klopp ayaan ogolaan doonin wararka xanta ah ee ku saabsan inuu waayi karo shaqadiisa Liverpool, taasoo loo sababaynayo inay saameyn ku leedahay feejignaan la’aantiisa iyo qaabka uu haatan kooxda u hoggaaminayo.
“Ma sameyn karno wax aan ka ahayn inta ugu fiican ee aan hadda sameeyo – waana sida ay had iyo jeer tahay,” ayuu tababaraha Jarmalka ah u sheegay suxufiyiinta, sida ay daabacday Jariiradda The Mirror.
“Haddiise uu jiro qof u maleynaya inuu jiro mid kale oo wax ka qaban kara, markaas waa inay iyagu go’aanka gaaraan, taasi way caddahay.” ayuu hadalkiisa ku daray Tababare Klopp.
Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa haatan fadhisa kaalinta 7-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League iyadoo leh 43-dhibcood.
Gool FM.
More Stories
Kooxdii ugu horreysay ee ka dhisan Spain oo isaga baxday tartanka European Super League – Gool FM
Kooxda Inter Milan oo isaga baxday tartanka European Super League – Gool FM
Isku aadka tartanka kubadda cagta ee ciyaaraha Olimbikada oo la soo saaray, xilli xulal waa weyn ay isku aadeen – Gool FM