

(Barcelona) 02 Maarso 2021.Tababaraha Barcelona Ronald Koeman ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay kulanka kooxdiisa ay kula ciyaareyso Seville habeen dambe garoonka Camp Nou, lugta labaad ee semi-finalka Copa del Rey.
Barcelona ayaa dooneysa inay ka soo laabato guuldarradii 2-0 aheyd ay kala soo kulantay kooxda Seville kulanka lugta hore semi-finalka Copa del Rey, laakiin howsha sugeysa kooxda Ronald Koeman ma noqon doonto mid sahlan.
Haddaba tababaraha reer Holland ee Ronald Koeman ayaa waxyaabihii uu ka yiri shirka Jaraa’id waxaa ka mid ahaa:
“Waxaan ku kalsoonahay suurtagalnimada inaan guuleysano, soo laabashada ma ahan wax aan macquul aheyn, waa run in natiijada kulankii lugta hore aysan noo fiicneyn anaga.”
“Laakiin waxaan awood u leenahay inaan ka gudubno, haddii ay ciyaartoydu ka faa’iideystaan fursadaha, isla markaana ay isku dayaan in shabaqooda ay ilaashadaan.”
Gool FM.
More Stories
Kooxdii ugu horreysay ee ka dhisan Spain oo isaga baxday tartanka European Super League – Gool FM
Kooxda Inter Milan oo isaga baxday tartanka European Super League – Gool FM
Kaddib go’aankii ay kooxaha England uga go’een Super League, aas-aasayaasha tartankan oo go’aan cad ka gaaray fikraddooda… (Miyuu burburay ESL?)