Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

April 21, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Madaxweyne Farmaajo oo war ka soo saaray geerida Xildhibaan Casoowe – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Muqdisho-KNN-Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble Casoowe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii Marxuumku uu ka soo qaatay dowladnimada, midnimada, nabadda, xasilloonida iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed xilliyadii adkaa ee uu dalku soo maray, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waa geeri xanuun badan, Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Dhimbiil Rooble (Casoowe) waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, isagoo noqday Guddoomiye Ku-xigeenkii 2-aad ee Baarlamaankii Dowladdii Kumeel gaarka ahayd, labaatankii sano ee u danbeysayna wuxuu ahaa mudane ka tirsan Golaha Shacabka, waxa uuna si hufan ugu soo shaqeeyey Qarankeenna,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay madaxtooyada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle u waydiiyey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray uga tacsiyadeeyay dhammaan xildhibaanada Golaha Shacabka, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Axmed Dhimbiil Casoowe.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska,asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe). Marxuumka Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelkiisana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.”

Xildhibaan Casoowe waxa uu ka mid ahaa xubnaha ugu da’da weynaa golaha shacabka, waxaana laga soo doortay gobollada waqooyi ee Somaliland.



Post Views:
5



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?